(Tehran) 12 Nov 2018 – Agaasimaha guud ee hay’adda ganacsiga dalka Iiraan u qaabilsan Afrika ayaa shaaca ka qaaday in badeecaddaha dalkiisu u dhoofiyo dibedda ay si balaaran u gaaraan dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Tani waxay ku soo beegsaa xili Mareykanku sheegay in cunaqabateyn dhanka ganacsiga ah oo adag uu ku soo rogay dalka Iiraan.
Farzad Piltan oo ah Agaasimaha guud ee hay’adda ganacisga dalkaasi Iiraan u qaabilsan qaaradda afrika ayaa sheegay in lixdii bilood ee ugu dambeysay 17% ay kordheen badeecaddaha dalkiisu u soo dhoofiyo dalalka Afrika.
Shidaalka iyo badeecaddaha kale ayaa ka mid ah waxyaabaha uu sheegay in dalkiisu u doofiyo dalalka Afrika, waxaana ka mid ah dalalka uu carabka ku dhuftay Masar, Kenya, Sudan, South Africa, Tunisia, Morocco, Mozambique, Tanzania, Djibouti iyo Soomaaliya.
Dhaqaalaha ka soo xarooday ayuu ku sheegay in ka badan $752 oo miliyan ( Todobo boqol Konton iyo labo Milyan)
Waxyaabaha Iiraan u beec gayso Afrika waxaa ka mid ah (iron, steel, bitumen, liquid gas, chemical products, cement, food dough, biscuits, chocolate, flooring, paraffin, vaseline, motor oil and raisins)
Hadalsame Media