(Riyaad) 10 Nof 2018 – Isbahaysiga uu Sucuudigu amaamuday ee dagaalka gardarrada ah ka wada dalka Yaman, ayaa hadda kaddib iskood isu wadi doona, gaar ahaan dhanka shidaal siinta dhanka hawada ee dayuuradaha dagaalka, kaddib markii uu Maraykanku arrintaa hakiyay.

Warbaahinta Sucuudiga ayaa saaka baahisey war ku saabsan in ciidamada ku jira isbahaysiga Sucuudigu ay “kordhinayaan xajmigooda” dhanka shidaal siinta dayuuradaha dagaalka ee dhanka hawada, iyadoo sida uu sheegay Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka ee Jim Mattis uu amarka joojintu ka yimi dhanka Washington.
Jimcihii shalay ayay Reuters werinaysay, in Maraykanku uu joojinayo shidaal siinta dayuuradaha isbahaysiga Sucuudiga, taasoo ay ugu wacan tahay cambaaraynta sii kordhaysa ee caalamiga ah ee lagu diiddan yahay dagaalka bahalnimada ah ee lagu qaaday dalka Yaman, ee aan weliba lahayn ujeeddo iyo sabab cad oo la garan karo.
Kaalmada uu Maraykanku siiyo Sucuudiga ayaa aad waynaysada u hoos yimi wixii ka dambeeyay khaarajintii la yaabka lahayd ee weriye Jamal Khashoggi oo lagu dhex qalay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul.
Hadalsame Media