(Baydhabo) 07 Nof 2018 – Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa ku waramaya in goordhaweyd uu iscasilay Afhayeenkii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada C/laahi Shiikh Xasan, sida ay qorayaan warfaafinta gudaha Somalia.
C/laahi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay In sababaha uu isku casilay ay tahay kadib markii uu iscasilay Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, uu markii hore meesha ku imaaday.
Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/laahi Shiikh Xasan ayaa dhawaan loo magacaabay Afhayeenka Madax Goboleedyadda, wuxuuna dhowr jeer eedeen u jeediyay Dowladda Soomaaliya.
Hadalsame Media