Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga oo soo gaaray Magaaladda Muqdisho

0

(Muqdisho) 07 Nov 2018 – Wafdi balaaran oo ka socda dowladda Turkiga kaas oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga ee Turkiga, Hulusi Akar ayaa soo gaarey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasiirka iyo wafdiga la socda ayaa waxaa madaarka caalamiga ah ee Magaaladda Muqdisho kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiirka difaaca Soomaaliya, Indhaqarshe iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wafdiga waxaa loo galbiyey Madaxtooyadda Soomaaliya, halkaasoo uu kulamo kula qaadan doonan mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda Soomaaliya.

Waxyaabaha dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga ay ka wadahadli doonaan waxaa ka mid ah amniga iyo sidii loo xoojin lahaa cilqaadka dhanka gaasshaandhiga ee u dhaxeeya labadda dowladood.

hadalsame Media