DHEGEYSO: Waxyaabaha UGUBKA ah ee kasoo daahiray Doorasho-Dhexaadka Maraykanka (Tebintii Xaaji)

0

(Washington, DC) 07 Nof 2018 – Xiisadda ayaa cirka ku tolnayd markii shalaytoole ay dadka Maraykanku u dareereen goobaha cod bixinta doorashooyinka xilli-dhexaadka labada aqal ee Maraykanka oo loo arko afti dadban oo loo qaadayay madaxwayne Trump, waloow aanu isagu doorasho usoo istaagaynin tan iyo 2020.

Halkan ka dhegeyso…

Waxaa loo tartamayay dhamaanba 435 kursi oo uu ka kooban yahay Koongarayska Maraykanka iyo 35 ka mid ah 100 kursi oo Aqalka Senet-ka ah, sidoo kale waxaa la dooranayaa 36 barasaab gobol oo ka mid ah 50-ka gobol ee Maraykanka, iyadoo ay Jamhuurigu doonayaan inay aqlabiyaddooda xagsadaan, halka Dimoqraadigu ay ku falax gooddinayeen inay dadka ku hafin doonaan wax ay ugu yeereen ”moowjad buluug ah.”

Taasina qayb ahaan way dhacday oo Xisbiga Dimoqraadiga ayaa la wareegay Aqalka Hoose ee wakiillada ee Koongarayska markii ugu horreeysey muddo 8 sanadood ah taasoo u saamaxaysa inay jillaafeeyaan siyaasadda Trump, waloow ay ku guul darraysteen Aqalka Sare ee Senet-ka oo ay Jamhuurigu aqlabiyadda xafiteen.

Tiiyoo doorasho dhexaadkani ay guud ahaan tahay mid ay iskugu soo bexeen dadkii ugu badnaa, waxaa sidoo kale aad u sarreeysay tirada haweenka ka qayb qaatay doorashadan oo ay 1/4 kaga noqdeen labada aqal, taasoo qayb ahaan loo aaneeyay saamayn ka timi Donald Trump oo loo arko nin aan haweenka ixtiraamin.

Waxaa doorashada xilli-dhexaadka Maraykanka ka dhacay waxyaabo badan oo aan taariikhda horay u dhicin oo ugub ah, tusaale ahaan gaar ahaan haweenka oo aad isu muujiyay, waxaa markii ugu horreeysay Koongarayska Maraykanka fariistay haween Muslim ah, waa gabar asal Falastiin ah oo ka socota gobolka Michigan, Rashida Tlaib iyo gabadha Soomaaliyeed ee Ilhan Omar, oo ka socota Minnesota.

Waxyaabaha kale ee ugubka ah waxaa ka mid ah; Alexandria Ocasio-Cortez, oo noqotay gabdhii ugu da’da yarayd ee gasha Koongreyska. Ayanna Pressley, oo noqotay haweenaydii ugu horreeysey ee madow ah ee iyadoo metelaysa gobolka Massachusetts soo gasha Aqalka Wakiillada.

Sharice Davids iyo Deb Haaland, oo noqday haweenkii ugu horreeyay ee ah dadka asaliga ah ee Maraykanka ee soo gala Koongarayska. Marsha Blackburn, oo noqotay seneteraddii ugu horreeysey ee metesha gobolka Tennessee.

Janet Mills, oo noqotay haweenaydii ugu horreeysey ee barasaabad ka noqota gobolka Maine. Abby Finkenauer, waa haweenaydii ugu horreeysey ee Koongarayska ku metesha gobolka Iowa. Jahana Hayes, ayaa sidaa si la mid ah ka noqotay gobolka Connecticut.

Halka Veronica Escobar iyo Sylvia Garcia, ay noqdeen haweenkii ugu horreeyay ee iyagoo Laatiin Koongarayska u fariiska gobolka muxaafidka ah ee Texas.

Waxaa sidoo kale gobollada qaar laga mamnuucay in ”selfie” la iska qaado xilliga codaynta waxaana ka mid ah: Alabama, Arizona, Florida, Georgia, Illinois, Iowa, Maryland, Michigan, Nevada, New Jersey, New York, North Carolina, Ohio, South Carolina, South Dakota, Tennessee, Texas, West Virginia.

Waloow uu Dimoqraadigu ku faani karo inuu dib u hantay aqlabiyadda mid ka mid ah labada aqal ee Koongarayska Maraykanka, misna waxay si ahaan la kulmeen wax lagu tilmaamo jug hoose, tusaale ahaan, waxaa doorashadan ku haray dad loo arkayay kuwo uu ku laafyoon kari lahaa

Xisbiga Dimoqraadiga, waxaana xiddigahaa dhacay ka mid ah Andrew Gillum oo ka taagnaa Florida, Stacey Abrams oo gobolka Georgia ahayd iyo Beto O’Rourke, oo wacdaro ka dhigay gobolka midigta ah ee Texas balse uu s ilala yaabay uga badiyay Ted Cruz.

Hadalsame Media