DEG DEG: Shariif Xasan oo is rasmi ah isu casiley + Sawirro

0

(Baydhabo) 07 Nof 2018 – Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo daqiiqado ka hor shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa ku dhawaaqay inuu isaga haray doorashada Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa sheegay in aanu u tartami doonin doorashada dhowaan qabsoomaysa, isla markaasna uu si KMG ah xilka usii hayn doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Wuxuu kaloo sheegay inuu iska casilay xilkii Madaxweynaha Koonfur Galbeed isla markaasna uusan isku soo taagi doonin xilkaas.

Shariif Xasan ayaa xilliga uu ku dhawaaqayay is casilaadiisa waxaa hareer taagnaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Hadalsame Media