(Muqdisho) 06 Nov 2018 – Si lama filaan ah ayay isku casileen inta badan xubnihii Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed iyadoona iscasilaadooda ay ka soo baxayaan warar dheeraad ah.
Xubnaha gddiga ee iscasilay oo u badnaa kuwa si aad ah ugu dhow hoggaamiyaha waqtigiisu dhamaaday Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa la aaminsan yahay in iscasilaadoodu ku timid amar uu bixiyay Madaxwayne Shariif Xasan.
Shariifka ayaa lagu sheegaa nin aad u qiyaano badan islamarkaana danihiisa siyaasadeed u mara sida uu rabo, isagoo aan tixgalin af-kaaraha ka soo horjeeda.
Qaar ka mid ah xubnaha guddiga ee aan wali iscasilin ayaa sheegay in iscasilaada xubnaha ka tagay guddiga uu ka dambeeyay Shariif Xasan, Madaxwaynaha Koofur Galbeed.
Xaaladda Siyaasadeed ee Magaaladda Baydhabo ayaan fadhin waxaana socda kulamo kala duwan oo iska soo horjeeda iyadoona musharaxiinta ay la yaab ku noqotay iscasilaada xubnaha guddiga doorashada oo markii hore ahaa 27 xubnood, hase ahaatee hadda 12 xubnood kaliya ayaa ka soo hartay.
Warar aan la shaacin ayaa sheegaya in Shariifku hadda uu doonayo inuu ku dhaqaaqo qorshihiisa labaad oo ah inuu ku cadaadiyo guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi inuu isna iscasilo si markaas ay ugu suuragasho inaysan wax doorasho ah dhicin, oo qaska siyaasadda uu u sii baaho.
Xubnaha guddiga ee iscasilay ayaa ku eedeeyey dowladda dhexe ee Soomaaliya faragalin ay ku hayso doorashada maamulka Koofur Galbeed, laakin illaa hadda dowladdu kama jawaabin eedahaasi.
Hadalsame Media