Maamullada oo dalbaday faragalin shisheeye kana digay “faragalinta” dowladda dhexe ee Soomaaliya ku hayso dalkeeda!!

0

(Muqdisho) 06 Nov 2018 – Hoggaamiyaasha maamullada Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Galmudug ayaa soo saarey bayaan cusub oo ay kaga hadleen doorashada maamulka Koofur Galbeed, iyagoona mar kale dalbaday in caalamku soo faragaliyo Soomaaliya, waxaana ay taa bedelkeeda ka digeen faragalinta dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku hayso arrimaha gudaha dalka gaar ahaan maamullada.

IGAD, Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ayay si gaar ah fariin ugu direen iyagoo sheegay in dowladda dhexe ay faragalin ba’an ku hayso dalka, waxaase dadka Soomaaliyeed iswaydiinayaan, maxaa loo doortay dowladda dhexe haddii aysan faragalin ku sameyn Karin arrimaha masiiriga ah ee dalkeeda?

Hoos akhriso qoraalka Maamullada!

 

Hadalsame Media