Kooxda Inter Milan oo caawa rikoodh u dhigaysa dakhliga ciyaareed ee Talyaaniga

0

(Milano) 06 Nof 2018 – Inter Milan ayaa la filayaa inay caawa jebiso rikoodhka faa’iidada kasoo xaroota garoonka kulanka ay la leedahay kooxda Barcelona oo ay soo bixitaanka wareegga 16-ka u dhowaanayso haddii ay badiso.

Nerazzurri ayaa caawa waxaa San Siro kulankan Champions League ku daawanaya 73,500 oo taageere, taasoo ay kasoo xaroonayso €5.8m oo euro.

Lacagtan ayaa jebinaysa rikoodh ay Roma dhigtay sanadkii hore lugta labaad ee semi-final-ka CL oo ay la lahayd Liverpool, kaasoo ay Giallorossi ka heshay €5.5m oo euro.

Hadalsame Media