(Muqdisho) 06 Nov 2018 – Ciidamada AMISOM ayaa dad shacab ah ku laayay waqooyiga Magaaladda Muqdisho kadib qarax miino oo ciidamadaasi lala eegtay saakay.
Mid ka mid ah Gawaarida Booyadaha ee Ciidamada AMISOM ayaa qarax lagula eegtay nawaaxiga Isgoyska SOS ee Magaaladda Muqdisho, waxaana jira qasaare burbur ah oo gaaray Gaariga qaraxa lala eegtay.
Al-Shabaab ayaa sheegatay Masuuliyadda weerarka. Hase ahaatee ciidamada AMISOM ee weerarka lala eegtay ayaa lagu eedeeyay inay fureen rasaas fara badan oo ay ku dhinteen ugu yaraan afar ruux oo rayid ah kuwaas oo qaar kood fadhiyay goob maqaaxi ah.
Banaanbaxyo ayaa ka dhacay deegaanka SOS ee degmada Huriwaa halkaas oo dadka deegaanku aad uga cabanayeen dhibaatada ay gaysteen ciidamada AMISOM.
Hadalsame Media