(Younde) 06 Nof 2018 – Maliishiyooyinka Red Dragons, Tigers iyo Ambazonia Defence Forces (ADF) – waxay ka mid yihiin jabhado u dagaallamaya qaddiyad ku salaysan afka Ingiriisiga iyagoo doonaya inay ka xoroobaan qaybta Cameroon ee Af Faransiiska ku hadasha.
Jabhaddan oo ka kooban 500 ilaa 1,000 dagaallame oo rigli ah oo la sameeyay wax in yar ka badan 12 bilood ayaa doonaya inay xoreeyaan gobollada Ingiriisiga ku hadla (Anglophone) ee Woqooyi Galbeed iyo Koonfur Galbeed, sida uu sheegay Nna-Emeka Okereke oo ku xeel dheer umuuraha Cameroon oo BBC la hadlay.
‘Waxaannu ku dhaadanaa dhaqan Ingiriiska’
Malliishiyadan oo soo baxday 2017-kii kaddib mudaaharaadyo ay dhigayeen macallimiin iyo qareenno ku doodayay inay dowladdu ka baaqsatay inay aqoonsato hannaanka waxbarasho ee nidaamka Ingiriiska raacsan ee Woqooyi Galbeed iyo Koonfur Galbeed ayaa doonaya inay noqdaan dal madax bannaan oo la yiraahdo Ambazonia.
Dowladda ayay ku eedeeyeen inay kaliya ku tiirsan tahay nidaamka Faransiiska waxbarasho iyo sharci ahaanba, taasoo ay sheegeen inay hoos u dhigtay ama bannaanka dhigtay dadka Ingiriisiga ku hadla oo dalkaa ka ah 20%.
Su’aasha ay dad badani is waydiin se waxay noqotay aaway afkii iyo dhaqankii dalkan, aaway se ajendihii qaran kaddib dalkan oo xornimada qaatay 1960-kii qaybta Faransiiska iyo 61-kii qaybta Ingiriisku gumaystey? Sidaanise xornimo ma tahay mise weli gumaysi ay oggol yihiin ayay ku jiraan?
Hadalsame Media