Wiilasha Weriye Jamaal Khashuuqji oo Sucuudiga waydiistay in meel loogu sheegay MEYDKA Aabahood

0
Mandatory Credit: Photo by Virginia Mayo/AP/REX/Shutterstock (6985518av) Jamal Khashoggi Saudi Arabian journalist Jamal Khashoggi speaks on his cellphone at the World Economic Forum in Davos, Switzerland on . More than two dozen senior officials from key economies will try Saturday to agree on whether to send a political signal that a new global trade deal can, at last, be completed this year as the World Economic Forum gradually comes to a close Switzerland Davos Forum, Davos, Switzerland

(Muqdisho) 05 Nov 2018 – Wiilasha uu dhalay Weriyhii la dilay ee Jamaal Khashuuqji ayaa codsaday in meel lagu sheego meydka Aabahood, taasina ay tahay waxa kaliya ee ay ku qanci karaan.

Cabdalla iyo Salax oo ah wiilal uu dhalay Khashuuqji ayaa sheegay in wax kaliya oo ay hadda doonayaan tahay in ay helaan laguna soo wareejiyo meydka Aabahood.

‘’Dhamaanteen waxa kaliya oo aan hadda dooneyno ayaa ah meydka lagu aaso xabaalaha Al-Baqi magaalada Madiina halkaa oo ay ku nool yihiin qoyska oo idil, ayuu Salah u sheegay TV CNN oo uu wareysi siinayay.

Waxaa ay sheegeen in Aabahood uu ahaa geesi islamarkaana uu ahaa deeqsi ah, iyaga sheegay in dowladda Sucuudiga ay Jawaab ka sugayaan.

Sucuudiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo dilka Weriye Jamaal Khashuuqji ayaa illaa hadda waxaa aan meel lagu sheegin meydka Weriye Jamaal Khashuuqji.

Hadalsame Media