(Muqdisho) 05 Nov 2018 – Amaanka Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa aad loo adkeeyay iyadoo lagu wado in halkaas ay gaaraan wafdi ka socda beesha Caalamka gaar ahaan xaafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa maalmihii ugu dambeeyay safaro shaqo ku tagay Magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya waxaana uu wadaa dadaalo xal loogu raadinayo khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
Magaaladda Gaalkacyo waxaa shalay gaaray madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo madaxa golaha wasiiradda maamulkaasi Shiikh Maxamed Shaakir.
Ujeedka ay u tageen Gaalkacyo ayaa lagu sheegay inay tahay sidii ay u qaabili lahaayeen wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo aysan u suurtagalin inuu kula kulmo Dhuusa-Mareeb oo ah xarunta maamulka Galmudug.
Hadalsame Media