(Muqdisho) 05 Nov 2018 – Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,Nicholas Haysom iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu waheliyo Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madiera ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Wafdigan beesha caalamka ka socda ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo mas’uuliyiin kale oo maamul ka tirsan
Madaxweynaha Galmudug ayaa u gudbiyay wakiilka Qaramada Midoobay cabasho ka dhan ah dowladda federaalka oo uu ku eedeyay faregalinta maamulka.
Hadalsame Media