(Jiddah) 05 Nof 2018 – Waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in Juventus iyo AC Milan ay kulanka Supercoppa Italiana ku dheeli doonaan magaalada Jidda ee dalka Saudi Arabia Jannaayo 16.
Kooxda Bianconeri ayaa wada haysata Serie A iyo Coppa Italia, halka Milan ay timid final-ka Koobka dambe, sidaa darteed waxay isku arkayaan Italian Super Cup.
Waxaa horay loo sheegay in ay ciyaartu dhici doonto inta u dhaxaysa 12-16 Jannaayo, balse haatan baa si rasmi ah loogu dhawaaqay taariikhda dambe, iyadoo koobkan horay loogu ciyaaray meelo ay ka mid yihiin Tripoli, New York, Beijing, Doha iyo Shanghai.
Waxaa jirey gayfanayaal iyo ururro ku kacsanaa go’aankan oo ay ka mid tahay Amnesty International oo xiriirka Talyaaniga ku boorriyay inaan lagu dheelin Saudi Arabia marka la eego diiwaanka xuquuqul insaanka dalkaasi, balse taasi ma suuragelin.
Hadalsame Media