(Muqdisho) 05 Nov 2018 – Ugu yaraan afar dagaalyahan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanku ka gaysteen deegaanka Araare ee gobolka Jubbada Hoose.
Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegtay duqeyntan oo laga fuliyay deeganka Araare ee Gobolka Jubbada Hoose shalay galinkii dambe.
Hawlgalka waxaa ka qeybgalay ciidamada sida gaarka u tababaran ee dowladda Soomaaliya kuwaas oo loo yaqaano DANAB.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaan.
Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha dhinaca cirka ah ee uu ka gaysanyo koofurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaana lagu sheegay hawlgaladaasi kuwa lagu ciribtirayo ururka Al-Shabaab.
Hadalsame Media