Ciidamada Masar oo toogasho ku dilay 19 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish

0

(Muqdisho) 05 Nov 2018 – Ugu yaraan 19 maleeshiyaad mitidiin ah ay ayaa lagu dilay dalka Masar sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada amniga dalkaasi.

Ciidamada amniga Masar ayaa la sheegay inay ka jawaabayeen kadib 7 ruux oo Kirishtaan ah oo lagu dilay dalkaasi asbuucii la soo dhaafay, waxaana dilkaasi lagu eedeeyay kooxo Islaamiyiin ah oo mayal adag.

Ciidanka amniga Masar ayaa sheegay inay dabagal ku hayeen kooxdan weerarka gaysatay oo u cararay gobolka la yiraahdo Minya halkaasi oo ay ka dhacday toogashada 19 ruux oo ka tirsan sida la sheegay kooxda dowladda Islaamiga la baxday.

Kooxda IS ayaa sheegatay masuuliyadda dadka Masiixiyiinta ah ee lagu dilay dalka Masar asbuucii la soo dhaafay.

Hadalsame Media