(London) 04 Nof 2018 – Britian oo qorsheeneysa in ay askar ajnabi ah dibada ka qoroto, taasoo ah caado jirtey xilligii gumaysiga.
Wasaarada difaaca ee Britian ayaa sheegtay in hada kadib dadka aan britishka ahayn ee ka soo jeeda wadmada ururka burwaaqo sooranka ay shaqada askarnimada Britian dalban karaan iyaga oo aan UK joogin.
Horay waxaa u jiray sharci ah in qofka doonaya in uu ku biiro ciidamada uu ugu yaraan shan sano jooga Britian
Britian ayaa talaabadan ku dooneysa in ay ku hesho askar si loo booxiyo boosas badan oo bannaan.
Mohamed Dhoore
Hadalsame Media