(Fruili) 04 Nof 2018 – AC Milan ayaa ugu dambayn dheeshey kulankeedii ugu horreeyay ee ay ciyaar ka tirsan horyaalka ay ku dhamaysato iyadoo aaan gool laga dhalin tan iyo bilowgii fasal-ciyaareedkan, jeer uu Alessio Romagnoli uu markale xaqiijiyay inuu yahay dhaliyaha dhamaadka ciyaarta.
Kooxda Rossoneri ayaa daftay guushii 3-aad ee xiriir ah dhanka Serie A kaddib markii ay 1-0 dirtay Udinese iyadoo badisay waqtiga ciyaarta lagu daray sidii dhacday kulankii Arbacadii ay 2-1 uga badiyeen Genoa. Waxayna dabci u noqotay Romagnoli oo 3-dii gool ee ugu dambeeyay dhaliyay daqiiqadda 90aad.
Warka ugu wayn Milan waa inay ka gudbeen habaarkii ka haystay goolasha laga dhalinayay 10-kii kulan ee tegey oo aysan hal marna shabaqooda oo nadiif ah ciyaar dhamaysan, iyadoo ay dhanka horyaalka Serie A ay taasi ugu dambaysay ciyaar ay 0-0 gurigooda kula galeen Napoli 15-kii Abriil, iyagoo biya daynayay 16 kulan oo xiriir ahaa dhowr rikoodh oo 30-meeyadii la dhigayna sidaa ku jebiyay.
Hadalsame Media