(Muqdisho) 03 Nov 2018 – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi iyo duqa Muqdisho Eng: Yariisow ayaa dagaal kulul ku dhexmaray Baraha Bulshada, waxaana arrintaas noqotay mowduuca ugu hadal-heynta badan Baraha Bulshada saacadihii ugu dambeeyay.
Labada Masuul ayaan waxba isku reeban iyagoona dagaalkooda marqaati uga dhigay bulshada halkaas oo la isku dhaafsaday eedeymo cul-culus.
Dagaalkooda ayaa ka dambeeyay kadib markii uu gudoomiyaha gobolka Banaadir, Eng Yariisow hadal uu shalay oo Jimco ahayd ka jeediyay Muqdisho ku weeraray mucaaradka dowladda Federaalka oo uu ku tilmaamay QASWADAYAAL KAALMEYNAYA NABADDIIDKA, sida uu hadalka u dhigay.
Xildhibaan Axmed Maclin Fiqi, oo kamid ah siyaasiyiinta dhaliila xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Madaxwayne Farmaajo ayaa u jawaabey Eng Yariisow, isagoo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku tilmamay inuu yahay Guul-wade.
Fiqi ayaa qoralkiisa ku yiri: “Yariisow hala gaarsiyo shacabka Muqdisho uma baahna Guul-wade”, oo ula jeedo inuu ku shaqeeyo rabitaanka madaxda sare ee DF, isagoo gabay mas’uuliyadda lagu aaminay.
Fiqi oo u muuqday mid ka caroodey hadalka kasooo yaareya Eng Yariisow, ee ahaa in siyaasiyiinta mucaaradka ah laga doonayo inaysan siyaasadeynin amniga Muqdisho, sidoo kalena noqon qas-wadiyaal buun-buuniya argagaxisadda.
Eng Yariisow oo ka falcelinaya qoraalka Fiqi ayaa bartiisa Twitter-ka ku yiri isna: “Fadlan haloo sheego Fiqi in shacaba aysan raalli ka aheyn Qaswade kalkaaliya Argagaxisada”.
“Guddoomiye Yariisow waa hadlay laakin wadooyinka mugdiga noqday, balliyada biyaha Muqdisho roobabku ku reebeen iyo qashinka Meel kasta yaalla ayaa shaqadoodu u taallaa iyo inuu wax ka yiraahdo, laakin mucaaradka ka hadalkiisa madaxweynaha ayaa Koofurta Sudan fariin uga Soo diray oo ku filan. Mise dhaqanka Guulwadaynta waa lagu qasban yahay,” ayuu ku jawaabey Xildhibaan Fiqi.
Arrintaan ayaa markii dambe waxaa xalay soo kala dhex-galay siyaasiyiin iyo gudoomiye ku xigeenada gobolka Banaadir oo xaaladda qaboojiyay, sida uu sheegay Fiqi. Fiqi ayaa Eedihii uu markii hore u jeediyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ku tilmaamay KAFTAN, taasoo mar kale Calaamad suaal galinaysa dhab ahaanta mucaaradnimada ka jirta Soomaaliya oo aan ku fadhin Miisaan Siyaasadeed oo dhab ah, hase ahaatee ku saleysan Kuraas kala riixasho.
Hadalsame Media