Wararkii ugu dambeeyay hawlgallo millatari oo laga fuliyay gobolka Jubbada Hoose

0

(Muqdisho) 03 Nov 2018 – Ciidamo ka tirsan kuwa gaarka ah e xoogga dalka Soomaaliya ee loo yaqaano DANAB ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Jubba Hoose 24-kii saac ee la soo dhaafay sida ay sheegayaan illo-xog ogaal ah.

hawlgalkaan oo ka dhacay nawaaxiga degmada Jamaame ayaa la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan qaybta 43-aad ee xoogga dalka, hawlgal gaar ah oo ka dhacay meel u dhaw deegaanka Araare ayaa lagu dilay 12 dagaalame oo tirsanaa Al-shabaab. Hase ahaatee ma jirto illo-madaxbanaan oo xaqiijin kara sheegashadaan.

Howlgalkaan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland, waxaana la sheegayaa in ciidamadu ku wajahan yihiin degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose, halkaas oo ay Al-shabaabku sannado badan maamulayeen.

Hadalsame Media