(Brusells) 02 Nof 2018 – Dalalka Yurub ayaa wacad ku maray inay Iiraan la sii wadanayaan xiriir ganacsi iyagoo samaysanaya “hillinno wax ku ool ah oo maaliyadeed” kaddib markii uu Maraykanku Midowga Yurub urur ahaan ka reebay dalalka uu ka reebay saamaynta cunaqabataynta uu saarayo Iiraan.
Dalalka Yurub ayaa ogaadey inaysan ku jirin kuwa la reebay ee lasii ganacsan kara Iiraan oo 8 dal ah, si ay uga fursadaan cunaqabaynta oo bilaabmaysa 5-ta Nofeembar, taasoo eeganaysa dhinacyada rarka maraakiibta, ganacsiga iyo tamarta.

Maraykanka ayaa sheegay inay bartilmaameedsanayaan hab-howleedka ay Yurub agaasintey si ay ula ganacsadaan Iiraan, waxaase arrintaa ka hadashay madaxa arrimaha dibedda Yurub Federica Mogherini, oo sheegtay inay sii wadi doonaan iibsiga saliidda iyo gaaska Iiraan iyagoo kaashanaya Ruushka iyo Shiinaha.
Mr Pompeo ma carrabaabin dalalka laga reebay cunaqabatayntan, balse wasiirka tamarta Iiraan ayaa sheegay in uu dalkiisu ku jiro kuwa la reebay. India, China, South Korea, Japan iyo Iraq ayaa la filayaa inay iyaguna ku jiraan. Liiska waxaa lagu dhawaaqayaa Isniinta.
Hadalsame Media