SIR CULUS: 11 kooxood oo Yurub ugu waawayn oo qorshaynaya inay ka baxaan CL oo samaystaan koob iyaga u gaar ah!

0

(Nyon) 03 Nof 2018 – Sir la daadiyay oo loogu magac daray Football Leaks ayaa sheegaysa in uu weli socdo qorshe ay 16-ka kooxood ee Yurub ugu waawayn ay ku doonayaan inay gebi ahaanba ka goostaan CL si ay u samaystaan tartan ay iyagu maamulaan oo la yiraahdo Super League.

Fikraddan ayaa sanado karsamaysay taasoo ay aad u diiddanayd UEFA oo xitaa kooxaha waawayn u badisay dakhliga CL si ay arrintan u xooraan, yeelkeede, baaritaanno heer qaaradeed ah oo uu helay warsidaha Jarmanka ah ee Der Spiegel, ayaa lagu xusay inay arrintaasi weli nooshahay oo ay kooxahani xiriirka wadaan, si ay qorshahaa uga dhabeeyaan.

Naadiyada fikraddan Super League oo bilaabatay asaaska u ah waxaa lagu sheegay Real Madrid, Barcelona, Manchester United, Bayern Munich, Juventus, Chelsea, Arsenal, Paris Saint-Germain, Manchester City, Liverpool iyo AC Milan.

Warbixintu waxay sheegaysaa in ay naadiyadani “daba maryeeyeen UEFA iyo naadiyada kale iyagoo xitaa ka xaajoodey qorshe uga baxayaan horyaalladooda iyo xiriirradooda.”

Waxaa xitaa jira emails la jebiyay oo ay isu digayaan iyagoo leh “waxaan u baahan nahay inaan taxaddarno oo aan horay u soconno iyadoo aan nala ogaanin, si aan koox gaar ah naloogu arag.”

Kooxahan oo ay UEFA dakhli badan uga ogolaatay Champions League, ayaa qorsheeynaya inay tartanka Champions League gebi ahaanba ka baxaan 2021, iyagoo doonaya inay abuuraan tartan aan cidina ka maqnaanayn oo soconaya 20 sano kaasoo ka kooban 16 kooxood, waxaana 5-ta ugu horreeyn lagu ”casuumayo” ka mid ah Inter iyo AS Roma oo Serie A ka socda, oo ay soo raacayaan Atletico Madrid, Borussia Dortmund iyo Olympique Marseille.

Hadalsame Media