KASHIFAAD: UEFA oo PSG & Man City ku caawisay inay ku tuntaan xeerka dhaqaale wanaagga FFP oo musuq lagu milay!

0

(Nyon) 02 Nof 2018 – Warbixinta Football Leaks ayaa kashiftay in UEFA ay caawisay kooxaha Paris Saint-Germain iyo Manchester City si loo qariyo kiis ay kooxahaasi kula tumanayeen xeerka dhaqaale wanaagga Financial Fair Play iyagoo adeegsanaya heshiisyo iidheh ah oo baraxa laga badiyay. Dufcaddii ugu dambaysay Iskaashiga Baaritaanka Yurub ee European Investigative Collaborations (EIC) ayaa daboolka ka rogey dokumentiyadan oo lasoo dusiyay.

“Xiriirka K/ Cagta Yurub ee UEFA wuxuu heshiis qarsoodi ah la galay kooxaha Manchester City iyo Paris Saint-Germain taasoo naadiyadaa u ogolaatay inay khiyaameeyaan sharciga Financial Fair Play,” ayaa ku qoran warbixinta.

“Saraakiil sarsare oo UEFA ah oo ay ku jiraan Xoghayihii Guud ee hore oo haatan madaxwayne u ah FIFA, Gianni Infantino, ayaa shakhsiyan arrintan u sameeyay, iyagoo taageeray naadiyadan, halka ay si xun u ciqaabeen kooxaha yar yar sida kuwa Turkey iyo Romania.”

Arrintan waxaa soo geleeysa kooxda AC Milan, oo mar laga saaray Europa League iyadoo loo cuskaday inay ku tumatay xeerka FFP balse kaddib rafcaan kaga guulaysatey UEFA, iyadoo dooddeeda ku salaysay in kooxo iyada ka daran xarigga loo dheereeyay.

Warbixintan oo ka kooban 70 milyan oo dokumenti, qiyaastii 3.4 terabytes, oo uu daabacan warsidaha Jarmanka ah ee Der Spiegel, taasoo loo xilsaaray 80 weriye iyo 15 warbaahineed ayaa lagu caddeeyay heshiisyadan oo muujinaya musuqa ka jira UEFA.

“Milkiilayaasha kooxo dhowr ah ayaa loo ogolaaday inay khasaarohooda ku daboolaan lacag badan oo been ah oo ay ka heleen iidhehyo la cayiliyay, tusaale ahaan Hay’adda Dalxiiska Qadar ayaa PSG siisay lacag gaaraysa muddo €1.125 bilyan oo euro muddo 5 sanadood ah, balse markii dhab ahaan lo eego qiimaha iidhehdaasi kama badna €200 milyan oo euro.

Dhanka Man City, waloow ay tan PSG ka hooseeyso waxaa jira ilaa laba iidheh oo la cayiliyay, kuwaasoo ay ku jiraan mid ay siisay shirkadda maalgelineed ee Abu Dhabi ee Aabar, taasoo 3 jeer ka badan qiimaha suuqa.

Wuxuu warkani intaa ku darayaa in Gianni Infantino, oo iminka ah madaxwaynaha FIFA oo uu noqday 2015, “uu yahay ninka arrintan isagu si toos ah gacmaha ula galay ee kooxahan siiyay heshiiskan khaaska ah.”

Hadalsame Media