(Muqdisho) 03 Nov 2018 – Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa ciidamo gadoodsan oo la wareegay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe halkaas oo ah xarunta maamulka Puntland ee Soomaaliya.
Gadoodka ciidamada oo ahaa bilihii la soo dhaafay mid ku soo laab laabtay guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa salka ku haya mushaar la’aan iyadoona maamulka Madaxwayne Gaas lagu eedeeyey inuu ku fashilmay mushaar siinta ciidamada iyo shaqaalaha maamulka.
Ciidamada gadoodsan ayaa la wareegay garoonka diyaaradaha Jen. Maxamed Abshir, iyadoo ciidamadan ay ka soo baxeen aagga deegaanka Tukaraq.
Gadoodka ciidamada ayaa ku soo beegmay iyadoo wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ay ku sugan yihiin magaalada Garowe.
Hadalsame Media