ARSENAL VS LIVERPOOL: Shaxaha & safafka ay fiidkii kusoo geli karaan!

0

(London) 02 Nof 2018 – Kulanka todobaadkan ugu adag dhanka Premier League waxaa foolka isku diiraya kooxda koonfurta ka timaadda ee Arsenal iyo kooxda reer Woqooyiga ah ee Liverpool.

Dhanka Arsenal: Kooxda Gunners oo gurigeeda ku dheelaysa ayaa horay usoo badisay 12 kulan oo xiriir ah tartamada oo idil, kahor barbarrihii ay todobaad dhamaadkii tegey 2-2 kula noqdeen kooxda Crystal Palace.

Nacho Monreal iyo Sead Kolasinac ayaa qaba dhaawacyo yaryar oo muruqa ah, Hector Bellerin (cajirka) iyo Sokratis (anqowga midig) ayaa iyagana la qiimaynayaa ciyaarta ka hor. Mohamed Elneny, Laurent Koscielny iyo Dinos Mavropanos ayaa maqan.

Dhanka Liverpool: Kooxda Liverpool ayaa booqanaysa Arsenal iyadoo doonaysa inay kusoo laabato figta sare ee Premier League, su’aasha ugu wayni waxay dul saaran tahay kabtan Jordan Henderson iyo saaxiibkii Naby Keita oo seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay.

Alex Oxlade-Chamberlain iyo Rhian Brewster ayaa iyaguna ka mid ah laacibiinta muddada dheer maqan, balse sida kale macallin Jurgen Klopp wuxuu wataa koox caafimaad qabta.

Hadalsame Media