Hilib-Ariga oo laga sheegay arrin Soomaalida ka farxinaysa!!

0

(Ottawa) 02 Nof 2018 – Hilib-Arigu wuxuu ka mid yahay cuntooyinka ay sida joogtada u isticmaalaan Soomaalida iyo dadyoow kale oo caalamka ku kala firirsan, balse wuu ka caafimaad badan yahay hilibyada kale ee cas sida ay qabto Anar Allidina.

“Hilib-Arigu caafimaad ahaan wuu ka caafimaad badan yahay hilibyada lo’da iyo xitaa hilibka cad ee digaagga, maxaa wacay waxaa ku yar calories-ka, dufanka, iyo cholesterol-ka,” ayay Allidina oo ah haweenay taqaanna cilmiga nafaqadu u sheegtay Global News.

Sidee loo kariyaa?

Haweenaydan ayaa sheegtay in Hilib-Arigu u baahan yahay dab badan. “Waxaa jira habab badan oo loo kariyo hilibkan, wuxuu u baahan yahay inaad dabka u gaabiso oo aad muddo dheer kariso, sidoo kale ku dar dhacaan si uu u jilco,” ayay raacisay.

Hadalsame Media