Wakiiladda QM & Midowga Afrika oo kulan la qaatay musharrixiinta K/Galbeed + Sawirro

0

(Baydhabo) 01 Nof 2018 – Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Haysom iyo Francisco Madiera ayaa Magalada Baydhabo kula kulmay musharrixiinta u taagan madaxnimada Maamulka Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa la iskula soo qaaday sidii doorashadu ugu dhici lahayd qaab daah furan oo ay daacad iyo hufnaani ku dheehan tahay, iyadoo ay kulanka joogeen musharrixiinta oo ilaa iminka 7 gaaraya, midkoodna ay tahay haweenay.

Waxay ku baaqeen in laga taliyo maslaxada mujtamaca ku dhaqan gobolkaasi oo diiradda la saaro amaanka iyagoo mas’uuliyad ugu baaqay dhinacyada ku tarmaya doorashada oo qabsoomaysa 17-ka bishan Nofeembar 2018.

Madaxdan meteleeysa QM iyo MA ayaa sidoo kale si gaar ah kulan ula qaatay madaxwaynaha uu iminka xilku ka dhamaanayo ee Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaasoo ay lasoo qaadeen sida loo xallin lahaa khilaafka  dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Hadalsame Media