(Fairfax, VA) 01 Okt 2018 – Booliiska ayaa baaritaan ku wada geerida laba gabdhood oo walaalo ah oo u dhashay dalka Sucuudiga Carbeed kuwaasoo la helay maydkooda oo isku xiran isna eegaya, wax dhaawac ahina uusan jirkooda ka muuqanin.
Maydka labadan gabdhood ee Tala Farea, 16 jir, iyo Rotana Farea, 22 jir, ayaa kusoo caariyay daamaha webiga Hudson, dhanka galbeed ee xaafadda Manhattan, New York City. Balse waxay ku noolaayeen magaalada Fairfax, Virginia, taasoo 225 mayl ka fog meesha laga helay iyadoo la la’aa tan iyo bishii Agoosto.
Maalin ka hor markii maydkooda lasoo helay 24-kii Oktoobar, hooyada gabdhahan ayaa booliiska u sheegtay in laga soo wacay Safaaradda Sucuudigu ku leeyihiin Washington, taasoo qoyska ku amartay inay ku laabtaan Sucuudiga, kaddib markii ay ka war heleen inay habluhu Maraykanka waydiisteen magangelyo siyaasadeed, sida ay sheegeen booliiska New York.
Qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay New York ayaa waloow ay sheegtay inay ”qarreen baara u qabatay kiiskan” isla markaana ay Safaaradda Washington qoyska u tacsiyeeysey wuxuu kiiskani durba dadka soo xusuusiyay midkii lagu khaarajiyay qoraagii ka tirsanaa Washington Post ee Jamal Khashoggi oo horraantii Oktoobar lagu dhex diley Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul.
Tala iyo Rotana ayaa iyagoo hooyadood la socda Maraykanka usoo guurey iyagoo ka yimi Saudi Arabia, waxayna degeen Fairfax, oo ah magaalo ku taalla bannaanka Washington DC.
Hadalsame Media