
(Torino) 01 Nof 2018 – Zinedine Zidane ayaa farriin u diray taageerayaasha Juventus oo uu 5 xilli-ciyaareed ku qaatay waayihiisa ciyaareed, iyadoo lala xiriirinayo inuu kooxdaa Bianconeri maareeye u noqdo.
Zizou ayaa haatan fasax ku jira kaddib markii uu iska casiley kooxda Real Madrid, balse wuxuu farriin usoo diray taageerayaasha Juve. “Haye qof kasta,” ayuu Zidane ku bilaabayaa muuqaal uu soo duubay.
“Waxaan la joogaa Cristiano oo reer Madrid ah, waxaana doonayaa inaan salaamo qof kasta, waxaan rajaynayaa in aan dhaqse u imaado Torino si aan woxoogaa waqti ah idiinla qaato.
“Salaan, iyo forza Juve!”
Hadalsame Media