DAAWO: ”Maamul-goboleedyada meelaha ku shiraya ma wax dowladda dhaama ayay noo hayaan?!!” – Culimada oo dhaliilay nidaamka Federaalka!

0

(Garoowe) 01 Okt 2018 – Waxaa isa soo taraya sida ay shacabka Soomaaliyeed u dhaliilayaan siyaasadda madaxda maamul-goboleedyada qaarkood, kuwaasoo bilihii yaraa ee dambe wadey siyaasado aysan la dhicin dadka waxgaradka ah oo kasoo horjeedda midnimada wax wada qabsiga iyo soo kabashada dalka Somalia oo 30 sano ku dhowaad dhulka yaalley.

”Bal dowladda haba kasoo horjeesteene maxay biddaal ah oo ay hayaan oo dadka u dhaama dowladda dhexe?” ayuu yiri wadaad u hadlayay culumada ku dhaqan Puntland.

Waxay culimadu sheegeen in aan loo baahnayn in umadda la geliyo siyaasad sidii ciyaar oo kale ah oo maalinba dhinac loogu jeedinayo iyadoo la eeganayo dano yar oo gaar ah oo ay leeyihiin nimanka madaxda sheeganaya, iyagoo soo jeediyay in Alle laga baqo oo umadda dhibka ka daashey dibin-daabyada daneed iyo daba dhilifnimada laga daayo.

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media