”Cidna ka macaashi mayso dagaal Nukliyeer!!” – Gorbachev oo Maraykanka ku dhaliilay ka bixitaanka heshiiskii INF + Sawirro

0

(Moscow) 01 Nof 2018 – Hoggaamiyihii hore ee Midowgii Soviet Md Mikhail Gorbachev ayaa ganafka ku dhuftay qorshaha uu Maraykanku uga baxay heshiiskii INF Treaty oo uu 30 sano kahor la saxiixday Ronald Reagan, taasoo ka dhigan inuu bilowday tartan cusub oo hub urursi ah.

Gorbachev ayaa dhaliilay qorshaha uu Maraykanku uga baxay heshiiskan oo mamnuucayay adeegsiga gantaalaha tiirada dhexe ee sida madaxyada nukliyeerka ee Intermediate-Range Nuclear Forces (INF) Treaty. Gantaalka uu Soviet-ku dhisay ee Pioner-10 (NATO ay u taqaan SS-20) wuxuu ka mid yahay gantaalihii lagu mamnuucay heshiiska INF treaty.

”Waxay taasi ka dhigan tahay in la furay tartan cusub oo dhanka hubka ah, INF Treaty oo qurana meesha kama bixi doono.” ayuu yiri Gorbachev.

Hoggaamiyihii hore ee USSR ayaa Donald Trump xusuusiyay in ka bixitaanka heshiiskani uu meesha ka saarayo wax kasta oo lagu heshiiyay kaddib Dagaalkii 2-aad ee dunida, kaasoo caalamka nabadeeyay tan iyo markii laga adkaaday dalalka Jarmanka, Japan iyo Talyaaniga oo ku wada jirey Axis Alliance.

Gantaalkan uu Soviet-ku dhisay ee Pioner-10 (NATO ay u taqaan SS-20) wuxuu ka mid yahay gantaalihii lagu mamnuucay heshiiska INF treaty

Wuxuu sheegay inuu yahay dariiq aanay guuli suurtagal ka ahayn. “Ma jirto cid ka macaashaysa ‘dagaal wayn oo furan’ gaar ahaan marka la isu adeegsado hubka halista ah ee nukliyeerka, taasoo ah suurtagalnimo aan meesha laga saari karaynin.” ayuu yiri Mikhail Gorbachev oo Ruushka u jeediyay inaysan is dhigan oo ay diyaar garoobaan.

Hadalsame Media