Canada oo 3-da sano ee soo socda qaadanaysa soo-galootigii ugu badnaa

0

(Ottawa) 01 Nof 2018 – Wasiirka Socdaalka Ahmed Hussen ayaa sheegay in Canada ay qaabili doonto soo galooti dhan 350,000 inta laga gaarayo sanadka 2021.

Taasi waxay ka badan tahay ilaa 40,000 intii la filayay inay qaadan doonaan, waxayna ku dhowdahay 1% tirada guud ee dadka dalkaasi Canada.

Tirada lagu dhawaaqay ee 3-da sano ee soo socota ayuu bartilmaameedku yahay in la kordhiyo tirada oo haatan ah 310,000 oo qofood, waxaana dadka imanaya badankood looga gol leeyahay inay buuxiyaan baahida suuqa shaqada sidaa daraadeed waxaa la qiimayn doonaa xirfadleeyda, sida warkan lagu xusayna wuxuu Md Xuseen sheegay in sidoo kale loo baahan yahay dad bedela dadka howlgabaya.

Hadalsame Media