SAWIRRO: Sidee Madaxwayne Farmaajo loogu soo dhaweeyay Magaaladda Jubba ee caasimadda koofurta Suudaan?

0

(Muqdisho) 31 Okt 2018 – Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaaladda Jubba ee caasimadda Koofurta Suudaan halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabadda maalinta nabadda ee dalkaasi.

Madaxwaynaha koofurta Suudaan Sal Fakiir ayaa si weyn u soo dhaweeyay dhiigiisa Soomaaliya waxaana sidoo kale halkaas gaaray madax ka tirsan kuwa gobolka oo uu ka mid yahay Madaxwaynaha Ugaanda Musafani.

Soomaaliya ayaa door muuqda hadda ka ciyaareysa xalinta khilaafaadka Siyaasadeed iyo colaadaha gobolka waxaana hadda ay ka mid tahay dalalka marqaatiga ka ah heshiiska dhinacyada Koofurta Suudaan.

Dagaal si ba’an loogu riiqmay ayaa sanadihii ugu dambeeyay ka socday dalka koofurta Suudaan halkaas oo dhinacyada Siyaasadda isku haya ay ku hardamayeen.

Hadalsame Media