(Muqdisho) 31 Okt 2018 – Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in l a dilay sargaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Abaanduulaha Qeybta 27-aad ee ka howlgasha Gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe Sareeye guuto Saalax Muumin Muuse oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Howlgalada ay Ciidammada Xoogga Dalka ku dileen Dhagar qabe ka qeyb qaatay Qaraxii Soobe iyo mid Dhalashadiisu tahay Pakistan oo ka mid ah Qolada Miinada dhigta.
“Khasaaro badan ayaa soo gaaray Argagaxisada Guulaha hada la taaban karo waxaa ka mid ah Ninkii Miinooyinka sameyn jiray oo Qaraxyada waliba ragii ugu cuslaa oo Qaraxii Soobe ka qeyb qaatay ayaan halkaasi ku dilnay, Nin kale oo Ajnabi ah oo dhalashadiisu tahay Pakistan ayaan dilnay oo isna Qoloda Miinada dhigta ah iyo Macalin habka Miinada loo dhigo ku tababara Argagaxisada iyo rag badan oo Qoladii Miinda dhigeysay iyo Maleeshiyo leh ayaan halkaas ku dilnay”.
Waxaa uu sheegay in deegaano badan ay Al-Shabaab kala wareegeen sida Nuur Qarac, Garasaani, Deegaano u dhaxeeya Buulo Barde iyo Beledweyne, Halka Howlgalada Labaad oo ka dhacay inta u dhaxeysa Buulo Barde iyo Fiidow ay ciidammada Xoogga kula wareegeen Buurweyn, Beynaad, Show, Gibileey, Ceelcaad, Xarar lugoole iyo deegaano kale.
Hadalsame Media