Ivan Zamorano oo sheegay in Inter ay shabbahdo middii uu u dheeli jirey bartamihii 90-meeyadii

0

(Santiago) 31 Okt 2018 – Qannaaskii hore ee Inter Milan, Ivan Zamorano ayaa sheegay inuu u jeedo “meelo ay iska shabbahaan” kooxdii Inter ee uu u safan jirey iyo midda haatan dheesha, gaar ahaan fasalkii 1997-98.

Kooxda Nerazzurri ayaa haatan 6 dhibcood u jirta kaalinta koowaad oo ay ku jirto Juventus iyadoo qayb ka ah kooxaha u tartamaya Scudetto-ha, waxaana arrintaa wax laga waydiiyay xiddiggii reer Chile oo waraysi siiyay Gazzetta dello Sport oo hor dhigay inay isku mid yihiin.

“Haa iyo maya,” ayuu ku jawaabey Zamorano oo raaciyay. “May, maxaa wacay Juve hadda waxay leedahay awood ay 7 Scudetti oo xiriir ah ku qaadi karto, iyo awood dhaqaale iyo waqti guulahaa u horseeday.

“Haa, maxaa yeelay waxaan u jeedaa meelo ay iska shabbahaan labada kooxi (tii uu u dheeley iyo tan). Teeydii waxay ahayd cajiib, ilaa qalbiga ka hayad Internazionale.” ayuu yiri Zamo oo sheegay in Inter haatan ay yeelatay dareen u sheegaya inay guulaysan karto.

Hadalsame Media