Ballaarinta dalalka ka qayb gelaya Koobka Adduunka oo lasoo hormarin karo! (Qadar 2022?)

0

(Kuala Lumpur) 31 Okt 2018 – Guddoonka FIFA ee Gianni Infantino ayaa sheegay in Koobka Adduunka la gaarsiin karo ilaa 48 dal isla dufcadda soo socota ee Qatar 2022.

48 dal waxaa awal horay loogu qoondeeyay midka ku xiga ee ay 2026, isla marti gelinayaan Maraykanka, Canada iyo Mexico, balse Infantino ayaa ”rajo” ka muujiyay in ballaarinta laba soo hormarin karo.

“Haddii ay suuragalayso, maxaan ku diidaynaa?” ayuu ka yiri munaasabadda xarrigga looga jarayay xarunta cusub ee Xiriirka Aasiya oo laga dhisay Kuala Lumpur oo uu hadaata ka hadlayay.

Haddii lacalla fikraddan la isku raaco waxaa Qadar khasab ku noqonaysa in qabashada Koobka Adduunka ay la wadaagto dalalka kale ee gobolka waloow aysan kuwa u dhow haatan iskuba fiicnayn.

Hadalsame Media