(Milano) 31 Okt 2018 – Waxaa caawa kulankii maalintii koowaad u baaqday dib u ciyaaraya labada kooxood ee AC Milan vs Genoa, kaasoo loo baajiyay buundadii duntey ee Morandi. Milan ayaa 4-aad geleeysa haddii ay badiso.
Dhanka Milan: Kaddib guushii Sampdoria, Gattuso wuxuu sii wadanayaa shaxda 4-4-2: Waxaana safanaya isla 11-kii marka laga reebo Abate oo nasinaya Calabria. Shaki yar baa ka jira dhanka garabka bidix, halkaana Laxalt ayaa ka cad cad Calhanoglu. Labada hore waa Higuain-Cutrone.
Dhanka Genoa: Daafaca waxaa ka maqan Romero, oo ganaaxan, waxaana booskiisa buuxinaya Lisandro Lopez oo ay wehliyaan Biraschi iyo Criscito. Pandev ayaa weerarka buuxinaya ee ma dheelayo Kouame. Lapadula, ayay sidoo kale dhici kartaa inuu ciyaarta soo galo si uu u nasiyo Piavek, balse waa qaybaha dambe.
KAYDKA LABADA KOOXOOD:
- 25 REINA, 17 ZAPATA, 2 CALABRIA, 12 CONTI, 56 SIMIC, 4 MAURI, 14 BAKAYOKO, 16 BERTOLACCI, 77 HALILOVIC, 7 CASTILLEJO, 10 CALHANOGLU, 11 BORINI
- 23 RUSSO, 25 VODISEK, 3 GUNTER, 88 HILJEMARK , 15 MAZZITELLI, 30 SANDRO, 32 PEREIRA, 40 OMEONGA, 45 MEDEIROS, 10 LAPADULA, 11 KOUAMÉ, 18 ROLON
GANAAXAN
- –
- Romero
AAN LA HELI KARIN
- Caldara, Strinic, Bonaventura
- Favilli, Marchetti, Spolli
Hadalsame Media