DAAWO: AC Milan vs Genoa 2-1…Milan oo kaalinta 4-aad soo gashay + Sawirro

0

(Milano) 31 Okt 2018 – Kooxda AC Milan ayaa soo gashay kaalinta 4-aad ee horyaalka Talyaaniga iyadoo todobaadyo ka hor joogtey meelaha ugu hooseeya Horyaalka Talyaaniga, kaddib markii ay 2-1 dirtay kooxda Genoa ciyaar horay u baaqatay.


Milan oo goolka ku hormartay waxaa daqiiqaddii 4-aad u dhaliyey laacibka Suso oo kubad qurux badan bannaanka kasoo toogtey, yeelkeede, Milan waxaa gool iska dhali ah ka xareeyay daafaca Romagnoli.

Halkan ka DAAWO…

Balse, isla Romagnoli ayaa noqday geesiga ciyaarta isagoo gool qurux badan oo raacis ah ku celiyay goolwalaha Genoa Radu oo ahaa xiddigga garoonka oo soo baxay, taasoo shabaqa cuskatay daqiiqaddii 91-aad.

Hadalsame Media