Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay Tunisia

0

(Muqdisho) 29 Okt 2018 – Wararka laga helayo Magaaladda Tunis ee caasimadda Tunisia ayaa sheegaya in haweeney walxaha qarxa soo xiratay weerar ku qaaday goob mashquul badan oo dadku isugu yimaado waxaana halkaasi ku dhaawacmay sagaal qof.

Haweeneydan oo 30 sanno jir ahayd ayaa la sheegay inay beegsatay dad shacab ah. Lama oga sababta ku xambaartay inay weerarkaan gaysato.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi Sofiene Zaag ayaa sheegay in weerarkan uu yahay mid argagixiso sida uu hadalka u dhigay.

Sideed ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegayaa inay yihiin ciidamo boolis ah waxaana socda baaritaano dheeraad ah.

Hadalsame Media