Maamul goboleedyada oo mar kale ka soo horjeestay casuummaadii Madaxwayne Farmaajo

0

(Muqdisho) 29 Okt 2018 – Afarta Maamul goboleed ee Jubbaland, Puntland, Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa ka soo horjeestay mar kale baaqii Madaxwayne Farmaajo ee ahaa in madaxda Maamulladaasi uu mar kale ku casuummay shir wadatashi ah.

Afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad gobolleedyada Cabdullaahi Sheekh Xassan ayaa sheegay in warqada la sheegay in ay ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay tahay sida uu yiri mid lagu carqaladeynayo dadaalada Aqalka Sare.

‘’Annaga ma jirto Qoraal ka soo baxay madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah noo soo gaaray, laakiin waan arkeynay warqad baraha bulshada la wareejinayo oo la leeyahay madaxweynaha ayeey ka soo baxday,xitaa haddii ay dhab tahay in warqadaasi madaxweynaha ka soo baxday waxaan u aragnaa mid lagu carqaladeynayo dadaallada Aqalka sare ee la doonayo in lagu xaliyo khilaafka jira’’ ayuu yiri afhayeenka Golaha Iskaashiga dowlad gobolleed-yada.

Waxaa uu sheegay inaysan diidaneyn inay yimaadaan Muqdisho  hase ahaatee ay ka war sugayaan Aqalka Sare illaa ay go’aankooda ugu dambeeya sheegayaa.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa gaaray meel sare waxaana dadka siyaasadda ka hadla ay sheegayaan in labada dhinacba aysan si dhab ah uga go’neyn wadahadal dhab ah.

Hadalsame Media