Gawaari fara badan oo ku xayiran koontoroolka Garoowe iyo sababta + Sawirro

0

(Garoowe) 29 Okt 2018 – Wararka naga soo gaaraya Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in Koontoroolka Bari ee Magaalda Garoowe ay ku xayiran yihiin Gaadiid farabadan, sida ay sheegtay idaacadda Dalsan.

Gaadiid badan oo ah kuwa xamuulka qaada oo kasoo safray magaalada Boosaso kuna sii jeeda Gaalkacyo, ayaa ku xaniban kantaroolka Bari ee magaalada Garowe.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in darawalada Gaadiidledokaas ay ka cabanayaan canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogay,iyaga oo w loo diiday inay ka gudbaan kantaroolka.

Wariyeyaal ku sugan Garoowe ayaa tegay Koontoroolka si ay u soo wareystaan Darawalada balse Ciidamada ku sugan ayaa u diiday sida uu Dalsan u sheegay mid ka mid ah Darawalada.

Xigasho: Dalsan

Hadalsame Media