AKHRI 7 QODOB: Erdogan oo Suuriyada uu doonayo ku qanciyay France, Germany iyo Russia (Maraykanka oo ka maqan)

0

(Istanbul) 28 Okt 2018 – Waloow aysan waxyaabaha qaar isku raacsanayn marka la eego Syria, misna dalalka Turkey, France, Germany, iyo Russia ayaa ka wada shaqeeyay hab-howleed ay ku qaadanayaan aragti midaysan oo ku aaddan sida loo xallin karo arrinta murugsan ee dalka Suuriya.

Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan, oo shirkan Istanbul ku marti geliyay ayaa waxaa kusoo biiray dhiggiisa Raashka Vladimir Putin iyo France Emmanuel Macron, sidoo kale German Chancellor Angela Merkel, waxayna afartoodu shirka kaddib soo wada saareen war murtiyeed ay ka mid yihiin qodobbadan:

  • In dhibaatada Suuriya kaliya loo qaab siyaasadeed
  • In la bilaabo qabyo qoraalka dastuur cusub dalkaa loogu qoro magaalada Geneva
  • In la diido qaybtinta Suuriya
  • In xabbad joojinta lasii wado, argagigixadana dalkaasi laga xaalufiyo
  • In la kordhiyo kaalmooyinka insaannimo
  • In gacan la siiyo qaxootiga dalkooda ku laabanaya
  • In la qabto doorashooyin ay dunidu muraaqibaynayso

Yeelkeede, waxaa shirkan ka maqan dalka Maraykanka oo ah midka ugu wayn ee qaska ka wada dalkaasi, kaasoo la’aantii ay adag tahay in laga shaqeeyo xal waari kara.

Hadalsame Media