Yuhuuda oo duqeymo bahalnimo ah ka gaystay marinka Qasa ee dhulka Falastiiniyiinta

0

(Muqdisho) 27 Okt 2018 – Diyaaradaha dagaalka ee Yuhuuda ayaa duqeeyay marinka Gaza maanta oo sabti ah iyagoo sheegay inay ka jawaabayeen Falastiiniyiin illaa 30-gantaal ku weeraray deegaanada Yahuudda.

Duqeyntaan oo ahayd mid culus ayaa sidoo kale daba joogta bannaanbaxyo ashtako ah oo looga soo horjeedo Yuhuuda oo dhibaato ba’an ku haysa dadka falastiiniyiinta ah.

Kooxda la yiraahdo Islaamic Jihad ayaa sheeegatay in ay ka dambeeyeen gantaalada lagu garaacay deeegaanada koonfurta Yuhuudda,waxaana ciidamada Yuhuudda ay iyaguna sheegeen in 80-goobood oo bartilmaameed ah ay weerareen, sida dhismayaal muhiim u ah kooxaha dagaalyahanada.

Yuhuudda ayaa lagu yaqaanaa duqeyn arxan darro ah oo ay u gaysato dadka maskiinta ah ee reer Falastiin, iyadoo ku andacootaa in alaaba laga soo weeraro dhanka Magaaladda Qasa.

Hadalsame Media