Kooxaha Juventus & AC Milan oo laga codsaday inay hiillo ka gaystaan dilka Khashuuqji (Sidee?)

0
ZURICH, SWITZERLAND - JUNE 06: H.E. Turki Al Sheik (C) , Chairman of the General Sport Authority - Kingdom of Saudi Arabia poses with Giorgio Ricci (L) of Juventus and Fabio Guadagnini (R) of AC Milan during the unveling of partnership between Lega Serie A and Saudi Arabia on June 6, 2018 in Zurich, Switzerland. Saudi Arabia will host the Italian Supercup for the next three years. (Photo by Emilio Andreoli/Getty Images)

(London) 26 Okt 2018 – Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka ayaa Juventus iyo AC Milan ku boorriyay inay qaaddacaan dalka Sucuudiga oo ay bisha Jannaayo ku ciyaarayaan Supercoppa-ha Talyaaniga kaddib dilkii waxashnimada lahaa ee Jamaal Khasuuqji.

Amnesty International ayaa sheegtay in haddii ay labada naadi sii amba qaadaan kulanka Jannaayo, ay taasi caawin doonto nidaamka Riyaad oo ay siin doonto sharciyad ay dib ugu dhaqaan foolkooda wasakhoobey iyagoo adeegsanaya saamaynta ballaaran ee ‘ciyaaraha’.

Maamulka Lega Seria A ee Talyaaniga ayaa heshiis markiiba ku kacaya €7m kula heshiiyay nidaamka Sucuudiga si halkaa loogu dheelo Supercoppa 3 ka mid ah 5-ta sano ee soo aaddan.

Kulanka ugu horreeya wuxuu dhexmarayaa Juventus iyo AC Milan, iyadoo sidoo kale lagu soo dheeley dalalka Maraykanka, China, Libya iyo Qatar.

Yeelkeede, dunida oo idil ayaa cadaadis ku haysa dalka Sucuudiga oo aad ugu ceeboobey dilkii weriye Khashuuqji ee dhacay horraantii bishan, waxaana sidoo kale baaq midkan la mid ah loo jeediyay xiddigaha teeniska ee Rafael Nadal iyo Novak Djokovic oo halkaa ku dheelaya bisha soo aaddan.

Hadalsame Media