Wararkii ugu dambeeyay xaalada deegaanka Dhumey oo uu ka dhacay dagaal beeleed lagu hoobtay

0

(Muqdisho) 24 Okt 2018 -Xaaladda deegaanka Dhumey oo ka tirsan gobolka Sool ayaa degan kadib dagaalo lagu hoobtay oo ka dhacay sadexdii maalmood ee la soo dhaafay, halkaas oo dadka lagu dilay kor u dhaafayaan 50 ruux.

Ku dhawaad boqol ruux oo kale ayaa la sheegayaa inay dagaaladaas ku dhaawacmeen. Dagaaladan ayaa u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega.

Dowladda Soomaaliya oo ka war ka soo saartay dagaalada ka dhacay deegaanka Dhumey ayaa waxgaradka labada beeleed ee colaadu u dhaxayso ugu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan.

Maamuladda Somaliland iyo Puntland ayaa midba kan kale ku eedeeyay in colaadaasi sokeeye dabada ka riixayo, mana aha markii ugu horeysay ee dagaalo nuucaas ah ay ka dhacaan gobolka Sool.

Hadalsame Media