Neymar Jr oo doonaya inuu dib ugu laabto Barcelona

0

(Paris) 17 Okt 2018 – Laba sanadood un baa laga joogaa markii uu ka carra geddistey kooxda Barcelona, isagoo ku biiray PSG, balse Neymar ayaa durba muujinaya sida uu u doonayo inuu ku laabto gegada Camp Nou, si uu mar kale uga garab dheelo Suarez iyo Messi.

Warqaadka The Mundo Deportivo, ayaa warkan qoraya, waloow aysan sahlanayn in Brazilian-kan dib loogu celiyo Catalonia, marka ay timaaddo dhanka dhaqaalaha iyo xitaa dhanka bay’ada.

Tusaale ahaan, markii uu tegayay waxaa la sheegay inuu aabbihii oo sidoo kale wakiil u ihi uu Barca waydiistey 26 milyan oo euro fasalkiiba, balse ay ka diideen maamulka Blaugrana, taasoo ay dheer tahay inay kooxdu keensatay Coutinho, kaasoo ay Liverpool kasoo siisteen 160 milyan oo euro.

Hadalsame Media