(Istanbul) 16 Okt 2018 -JAMAAL KHASHOGGI oo ah wariye u dhashay Sucuudiga oo illaa hadda la la’yahay waxaa uu noqday mawduuca ugu hadal-heynta badan dunnida waxaana markii ugu dambeysay uu galay Qunsuliyadda dalkiisa Sucuudiga ku leeyahay Turkiga gaar ahaan Magaaladda Istanbuul.
Maqnaanshihiisa ayaa walaac iyo carro ka abuuray guud ahaan dunida waxaana madaxda dalka Sucuudiga ay ku jiraan xaalad isdifaac ah iyo inkiraad inaysan waxba kala socon meesha uu ku dambeeyay wariyuhu.
Haddaba maxaa dhacay?
May 2018: Jamal Khashoggi waxaa uu la kulmay gabadha la yiraahdo Hatice Cengiz oo ah 36 sanno jir u dhalatay Turkiga, haysatana shahaadada Ph.D, waxaana labadoodu ay ku kulmeen shir ka dhacay Istanbuul. Halkaas ayay islamarkiiba ku saaxiibeen kadibna waxay galeen heshiis guur.
Sept. 28, 2018: Wariye Khashoggi ayaa booqasho ku tagay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga. Sababta uu u tagay waxay ahayd inuu helo waraaqaha ogolaanshaha inuu guursan karo Cengiz. Laakin waxaa loo sheegay inuu mar kale soo laabto.
Oct. 01, 2018: Wariye Khashoggi, kadib safar gaaban oo uu ku tagay London ayuu dib ugu laabtay Istanbuul.
Oct. 02, 2018: Waxa uu dib ugu laabtay Qunsuliyadda Sucuudiga ee ku taalla Magaaladda Istanbuul. Saaxiibtiis Cengiz waxay saacaddo badan ku sugeysay banaanka Qunsuliyadda, waxaana saacaddo kadib u yimid shaqaale ka tirsan Qunsuliyadda oo u sheegay in Wariye Khashoggi uu ka baxay albaabka dambe ee Qunsuliyadda. Islamarkiiba Cengiz waxay la xiriirtay Booliska Turkiga.
Oct. 07, 2018: Dowladda Sucuudiga ayaa gebi ahaanba iska diiday inay ku lug leedahay maqnaanshaha wariyeha kadib markii ay soo baxeen warar sheegayay in la dilay.
Oct. 08, 2018: Senaytor Maraykan ah, Lindsey Graham, R-S.C. ayaa digniin kulul u diray dowladda Sucuudiga oo haddii ay ku cadaato dilka wariyaha la kulmi doonta cawaaqib xun.
Oct. 09, 2018: Cengiz oo ah gabadha ay is guursan rabeen Wariye Jamaal ayaa warqad u dirtay aqalka cad ee Maraykanka waxayna waydiisato taageero in gacan lagu siiyo kiiska baaritaanka saaxiibkeed waxayna sheegtay in qunsuliyadda Sucuudiga uu u tagay si uu helo ogolaanshaha waraaqaha guurkooda.
Oct. 10, 2018: Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu la hadlay hoggaamiyaasha boqortooyada Sucuudiga waxaana uu waydiistay inay jawaab ka bixiyaan kiiskan oo ay meel ku sheegaan wariyaha la waayay.
Oct. 11, 2018: Sargaal sare oo ka tirsan sirdoonka Maraykanka ayaa warbaahinta u sheegay in baarayaasha Turkiga ay hayaan codad iyo muuqaalo xaqiijinaya in wariye Jamaal lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbuul
Oct. 13, 2018: Cengiz ayaa mar kale qoraal ku qortay wargayska New York Times waxay ku sheegtay in saaxiibkeed uu doonayay in dhawaan uu dabaal dego 60 sanno guuradda dhalashadiisa.
Oct. 14, 2018: Donald Trump ayaa isticmaalay luuqad adag oo uu Sucuudiga ugu sheegay inay la kulmi doonaan cinqaab weyn haddii ay ku cadaato in Qunsuliyadooda lagu dhex dilay Wariye JAMAAL KHASHOGI.
Oct. 15, 2018: Donald Trump oo mar kale hadlay ayaa sheegay inuu la hadlay madaxda sare ee boqortooyada Sucuudiga hase ahaatee ay si adag u diideen eedeymaha loo jeediyay waxaana uu sheegay inay suuragal tahay in dilka wariyeha ay gaysteen kooxo ku sifeeyay kuwa aan cidna ka amar qaadan, hadalkaas ayaana siyaabo badan loo fasirtay.

In this Dec. 15, 2014 file photo, Jamal Khashoggi, oo hadlayay shir ka dhacay Baxreyn



