
(Muqdisho) 14 Okt 2018 – Mid ka mid ah raggii ku lug lahaa qaraxii Soobe ee lagu xasuuqay shacab Soomaaliyeed sannad kahor ayaa saaka lagu fuliyay dil toogasho kadib xukun ay hore kiiskiisa uga gaartay maxkamadda ciidamada Qalabka
Xasan Aadan Isxaaq oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa saaka lagu toogtay fagaaraha Iskuul Buluusiya ee Magaaladda Muqdisho..
Ninkaan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dadkii loo qabtay Musiibadii 14-kii October ee 2017-ka wuxuuna waday Gaari labaad oo isla maalintaasi ku qarxay meel aanan ka fogayn isqoyska Soobe.
Hadalsame Media