(London) 08 Okt 2018 – Kooxda Arsenal ee dalka Ingiriiska ayaa xaqiijisay inay heshiis cusub la gashay shirkadda Adidasha – wixii loo gaaro fasal-ciyaareedka soo aaddan ee 2019-20 – kaasoo ay sharikadda Jarmanka ah muddo 5 sanadood ah uga qaadanayso £300m oo gini.
Adidas ayaa xilka kala wareegaysa sharikadda kale ee reer Jarman ee Puma, oo horay u qalabaynaysay kooxda woqooyiga London, taasoo u wareegaysa kooxda Manchester City oo wixii sanadkan ka dambeeya ay sanadkii siin doonto £50m oo gini.
Qandaraaskan oo ku kacaya £60m oo euro ayaa Arsenal ka dhigi doona kooxda 3-aad ee ugu faa’iido badan dhankan waxaana ka horreeya Barcelona oo Nike ka hesha £140m iyo Manchester United oo Adidas sanadkii ka qaadata £75m oo gini.
Arsenal waxaa Adidas ugu dambaysay 1986 ilaa 1994-kii, xilligaasoo ay 2 horyaal qaadeen, deetana waxaa la wareegtey Nike oo 20 sano waddey ilaa 2014-15, markaasoo ay Puma la wareegtey.

Hadalsame Media